Ma ogtahay dhamayseey
Ilaa dhalashadaadii
Adaa kaa dhun sugayoo
Aan ku dhawranaayee

Waxaa ila dhalee wacan
Inta kugula nool
Wa ayaaya quruxba leh
Taan dhawranaayaay

Adna ila daniishoo
Dhayal mooday caashaqa
Aan dhibaatadiisii
Dabanada la haystee

Inta aan kuu dhiman
Naftu iiga kaa dhicin
Dhagar qabe jacaylbaa
Dhalanka iga nuuryee

Inta aan kuu dhiman
Naftu aysan kaba dhicin
Dhagar qabe jacaylbaa
Dhalanka iga nuuryee

Ma ogtahay dhamayseey
Dhagar qabe jacaylbaa
Dhuuxiyo lafaha iyo
Kuwa dhiiga qaadee

Xididada dhamaantood
Dhan kastaba u raacoo
Kun la hala dhimbiiliyo
Dhamac daba kuwaasee

Adna ila daniishoo
Dhayal mooday caashaqa
Aan dhibaatadiisii
Dabanada la haystee

Inta aan kuu dhiman
Naftu iiga kaa dhicin
Dhagar qabe jacaylbaa
Dhalanka iga nuuryee

Inta uusan kuu dhiman
Naftu aysan kaba dhicin
Dhagar qabe jacaylbaa
Dhalanka iga nuuryee

Exit mobile version