Hawlahaagi habeenadan
Gudcurbaa la taahaa
Gurgumadii jacaylkee hareeroo
Heegada isaaree

Halbawlaha wadnaha iyo
Halistii i wareegtee
Halbawlaha wadnaha iyo
Halistii i wareegtee

May hiihiidaysaa
May hagar baxaysaa
May hubin karaysaa
Waan kuu hanweynoo
Waan kugu hamiyayaa

Hidaa hilaaciyo hardaogiyo
Hanaq wada hareeyaan
Awan ha igu noqoninee
Hubiyoo ila garo wanaagoo

Hudo nimaad u diidoo
Kuu hiloobay baan ahee
Hudo nimaad u diidoo
Kuu hiloobay baan ahee

May hiihiidaysaa
May hagar baxaysaa
May hubin karaysaa

Exit mobile version