Marwadaan jeclaayeey
Meher inuu dhacayeey
Miso bilo wadaagtee wadaagtee
Nolol ila midawdaay

Sidaa tahay mani iyo ubax
Dhula dhulka fidiyiyo
Biyo subax da,aayaay da,aayaay
Qurux kugu masaalaay

Waligay madmadow iyo
Muran iyo wareeriyo
Kuma badayo murugoo
Waan kugu mabsuudaa

Ha ii mudan cadaawee
Mahad eebe
Mahad eebe Iyo sharaf
Aynu wada miskeednee
Adna midigta adna midigta
Amaal midigta ila hay
Adna midigta adna midigta
Amaal midigta ila hay

Ha ii mudan cadaawee
Mahad eebe
Mahad eebe Iyo sharaf
Aynu wada miskeednee

Marwadaan jeclaayeey
Iga mudatay calafkee
Guulow ubad na siiyee na siiyee
Mugdi iiga xoraysaay

Sidaa tahay la mareeriyo
Dhirta uga magooshoo
Mahiigaan da,aayaay
Da,aayaay
Qurux kugu masaalaay

Waligay kadeedkiyo
Maagiyo xasaradiyo
Kuma badayo murugo
Waan kuu mabsuudaa

Ha ii mudan cadaawee
Mahad eebe
Mahad eebe Iyo sharaf
Aynu wada miskeednee
Adna midigta adna midigta
Amaal midigta ila hay
Adna midigta adna midigta
Amaal midigta ila hay

Ha ii mudan cadaawee
Mahad eebe
Mahad eebe Iyo sharaf
Aynu wada miskeednee

Exit mobile version