Simaneey aragtidaadii
Seexan waayay awgaa
Siday tahayna sheegee
Ha iga sii
Ha iga sii fogaan

Safarkaagii wuu noqon
Mid aan lagaba soo noqon
Siman waan ku sugayaa
Subaxii
Subax eebe keenaba

Siman waan ku sugayaa
Siman waan ku sugayaa
Siman waan ku sugayaayee

Sawaxankiyo hadalkiyo
Sawdkaan maqlaabaa
Adaan kugu sifeeyaa
Simaneey
Simaneey ogsoonoow

Samir iyo salaadbaan
Kugu sii sugaayaa
Siman waan ku sugayaa
Subaxii
Subax eebe keenaba

Siman waan ku sugayaa
Siman waan ku sugayaa
Siman waan ku sugayaayee

Exit mobile version