Heesta Aqoontu hodan miyaa - Lyrics
hayaanku ma meel fogbaa
hilaacu ma beegsobaa
habeenkii socod miyaa
hadhkii ma ha seexanbaa
waqtigu ma haloosibaa
ninkii hakadaa baqoolka
habaaska miyuu dhaxlaa
aduunyadan hore u guurtee
barwaaqada haybsanaysaa
intaad hiigsan lahayd gadaashaa
hareerta ka raac miyaa
haduu maalku kaa rago
harooyinka gee miyaa
hurdadau ku dan seeg miyaa
aduunyadu waa hadhkaase
hirba hirbaa daba socdaaye
hankaaga fogee miyaa
hawshaada ku toos miyaa
hubsiino halbaa la siistaa
halkii daran baahidaada
hantida ku qorshee miyaa
dantaaduun ma haybibaa
aqoontuna hodan miyaa
iftiiniyo hibo ku ladhanoo
indhoolaha haga miyaa
waxa uumiye hanuunshay
waxa cirka lagu hajaamiyay
waxaa badaha hogmaaya
bildhaanshay guntooda hoose
waxa dhulka lagu hubsaday
waxa cudurkii hal gaadhay
waxa jahligii haleelay
waxa gaajadii hirdiyay
horseed cilmigeen miyaa
dadka heegada is geeyay
dadkaa haqa beelka gaadhay
hubqaad kaga dayo miyaa
ninkaa buurta roobku helay
gunteeda ka heesayow
figteeda nolol haboon
b