VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Baaqu waa - Lyrics

bani aadamkuba bilowgiisii hore wuxuu baahi qabay barashiyo hubkeed yuu kaga bogtee baaqeenu waa barashada dadwaynaha in la baahiyaayoo la balaadhiyaaye balanteenu waa boqolkiiba boqol buuga iyo qalin lagu boratamaaye bahdaada la biirso bahdaada la qaybso wax barasho la beegso da'daa barasho ku beegso da'daa barasho bilicsami cilmia nafta lagu bilaa baydadiisa iyo barwaaqada dalkeena lagu baafiyaa baaqeenu waa oday boosa iyo habar baariyaba in la wada bartaaye balanteenu waa boqolkiiba boqol baabacada oo lagu wada cabaa
Queue is empty
-- / --