VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Barariyaaq - Lyrics

…………sayid Khaliifa heestii barariyaaq…….

Baxnaanshihii oraahdow
Aabihii bar-baartow
Beer iga fogaadow
Kolkey xaajo biliqdee
Burgashee la kala baxo
Kii loo baxsanayow
Salaan buuro ahaaneed
Aan kugu bogaadshee
Baxsanow ma nabad baa
Adigiyo bahdii kale
Bar-baartii siday tahay
Beryo samo ma joogtaan?

**** **** ****

Bilowgii kalgacalkaba
Beryo tegay xusuustood
Il nugeylka barashada
Balantiyo heshiiskii
Gabadhan badhaadhaha
Ku balannay xiisaha
Arooskii balaadhnaa
Batarkiyo cayaartii
Habluhu ay bilaayeen
Butdhigii unkaye
Ku horbaadshay waa adi

Misna baabi’iisiyo
Iyadoo la bixitimay
Baad-furanka caanshaqa
Kay soo balaysee
Bidixaynta sheekada
Ka baxnaani yidhiyee
Baxshay sooryo xidideed
Beenta lagula xaalee
Kolkii lagu biciidsaday
Danta bidday baroor-diiq
Inuu igu bogsiiyee
I ban-baanshay waa adi

 

Bal aan sheeko baraley
Bar tilmaantii waagii
Baaqii abwaaneed
Maansada ba’leydaa
Bar-bardhigo jawaabtee
Bismilaahi waa kow

 

Cabdow beertii aan limay
Haddii aanay ii bixin
Haddii baydantaydii
Bad weynta iyo xeebaha
Ka talawday buuroo
Aanay ii bidhaamayn
Haddiinse aanan basaastii
Bacadkiyo kulaylaha
Dhibta kula baqooline
Mid bogsiiso aan helay
Sow layma samo bixin?

 

Erayadan bir keydkaa
Baaciyo gacantaa
Burdihiyo xijaabkaa
Seed uga baxaysaa?
Maahee biriq dhacaysaa
Ma belaa ma baydhaa?
Boqol aan u turahayn
Kan beegsada ma gaysaa?
Qofka baadi ka maqan
Baylahshaa ma gacal baa?
Nin beegsaday ma fulay baa?
Boholyow ma ciil baa?
Bil dhalataa ma tii baa?
Ninka bihin-bih naageed
Isu baraq nugleeyaa
Bi’i waa ma door baa? (hell, no)

 

Biyo dhaca warkaygan
Adigoon ka bogan karin
Waxaa kuu bishaaraa
Anna boogtii iga dhayay
Ubax baarka bixiyoo
Baalaha caseeyoo
Bu’da malab ku yeeshoo
Barqa roob ka qaadoo
Bannaan iyo ku yaal ciid
Ama buurtii Daalood
Dusheedii ka soo baxay
Qalin daarka baasiyo
Ragga baratankiisiyo
Haddii ay is baacsiga
Ka bad-baado waa nabad
Nin beegsaday tilmaanteed
Kama baahi beelee
Beerluladii saban hore
Boqorkii aqoontiyo
Soo bandhigay abwaan baa
Lala baratansiiyoo
Iyadaaba baro dheer

 

Bukaan socodka liita
Rag in uu ku badan yahay
Adigaa ku baaqee
Biyo aadan liqi weli
Ma ba’shaan haraadoo
Maku bara qabowdaa?
Roob bari guntii helay
Beelaha galbeed dega
Maku baahi beelaan?
Hadal waa bad weynoo
Dhex butaaci maayee
Ma is baadhayoo nabar
Bi’i waaye mays tidhi
Baradaadi soo eeg?
Waxaa budulka geenyada
Jeedal loogu baacshaa
Haka badiso weeye
Ragna balan fur naageed
Koley kama baxsanayee
Saaxiib bureeqadii
Bilayd sow aragtaa?
Intuu baahay caanshaqu
Bili markay ku dhaaftaba
Boqol sano ma moodaa?
Habeenkoo barkii tegay
Ma baraarugtaayoo
Baalaha ma eegtaa?
Baashaalka sheekada
Maku barariyaaqdaa?

 

Qoritaanka : mbile.
Saxitaananka:Saleebaan A Osman

Queue is empty
-- / --