VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Barashada mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Sayid khaliifa
Barashada

baxnaanshihii odhaahdoow
aabihii barbaartoow
beer iga fogaadoow
markay xaajo biliqdee
burgashe la kala baxo
kii loo baxsanayoow
salaan buuro ahaaneed
aan kugu bogaadshee
baxsanoow ma nabadbaa
adigii iyo bahdii kale
barbaartii siday tahay
baryo samo ma joogtaan

bilawgiis kalgacalka
baryo tagay xusuustood
il nugaylka barashada
balantiyo heshiiskii
gabadhaan badhaadhaha
ku balaynay xiisaha
arooskii balaadhnaa
bootorkiyo ciyaartii
habluhu ay bilaayeen
bud dhigihii unkaayee
u harbaajay waa adi
misna baabi,isii
iyadoo la bixitimay
baar furanka caashaqa
kaysoo balaysee
bidix sheekada
ka baxnaani yidhiye
ka baxshay sooryo xidideed
beenta lagula xaalee

codkii Sayid khaliifa