Heesta Buurta roobku helay - Lyrics
Hayaanku ma meel fogbaa
Hilaacu ma beegsabaa
Habeenku socod miyaa
Harkii ma ha seexanbaa
2×
Waqtigu ma haloosibaa
Ninkii hakadaa baqoolka
Habaaska miyoo dhaxlaa
Habaaska miyoo dhaxlaa
2×
Aduunyada hore u guurtay
Barwaaqada qaybsanaysa
2×
Haduu hadu maalku kaa haraado
2×
Harooyinla gee miyaa
Hurdadu ku Dan seeg miyaa
Aduunyadu waa halkaasee
Hirbaa hirba daba socdee
Hankaaga fogee miyaa
Hawshaada ku toos miyaa
Hubsiima halbaa la siistaa
Halkii daran baahidaada
Hantida u qorshee miyaa
2×
Dantaada ma haybibaa
Aqoontuna hodan miyaa
Iftiiniyo hibaaq ku ladanoo
Indhoolaha haga miyaa
2×
Waxaa uumiya niishay
Waxaa cirka lagu hurjuumay
Waxaa badaha hugmaayaa
Bidhaasha guntooda hoose
Waxaa dhulka lagu hubsaday
Waxaa cudurkii hal gaadhay
Waxaa jahligii haleelay
Waxaa gaajadii herdhiyay
Horseeda cilmiga miyaa
Dadkaa heeganyee
Dadkaa xaqa beela gaadhay
Dulqaad kaga dayo miyaa
2×
Ninkaa buurta roonku ku helay
Ninka halka ka heesayoow
Dhibteedaa nolol haboon
2×