VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waa geedi caano leh - Lyrics

Yar hayeenka beeshoo Gaadiid hayinaha oo Guri lagu ninqaadiyo Goobtaa ku daylneyd 2× Geedihii na qaad Hadii ay gahayraan Geedihii na qaad Hadii ay gahayraan Cawskii gubnoodoo gubnoodoo Dabadeedna raad go,o raad go,o Cawskii gubnoodoo gubnoodoo Dabadeedna raad go,o raad go,o Gama,a kuu yaalee gama,a kuu yaalee Gaadiidka soo rara oo Ha gibleeyo socotada Gaadiidka soo rara oo Ha gibleeyo socotada Waa geedi caano leh Guryo samaha lagu furo Waa geedi caano leh Guryo samaha lagu furo Gaaridii haweenkaay Soo geli hogaan awr Qarqarkayga ku gaw sii Habka guriga loo raro 2× Gurgureeryo raro jilic Garka dhafarka baalada Gurgureeryo raro jilic Garka dhafarka baalada Dabagaliska caynbay caynbay U guree ilmaha oo ilmaha oo Dabagaliska caynbay caynbay U guree ilmaha oo ilmaha oo Ibilkiyo jarcada saan Ibilkiyo jarcada saan Gaadiidka soo rara oo Ha gibleeyo socotada Gaadiidka soo rara oo Ha gibleeyo socotada Waa geedi caano leh Guryo samaha lagu furo Waa geedi caano leh Guryo samaha lagu furo Gud cadiyo barbaartaay Edo lagu hayaanshoo Goor subax jarmaadaa Buuraha mirtii dhaxe 2× Ama galab carawdsiin Hadaan gaatis loo wadin Ama galab carawdsiin Hadaan gaatis loo wadin Waan galan galcoobaa galcoobaa Haduu maalin galana galana Waan galan galcoobaa galcoobaa Haduu maalin galana galana Waa raro gudyoodaa Waa raro gudyoodaa Gaadiidka soo rara oo Ha gibleeyo socotada Gaadiidka soo rara oo Ha gibleeyo socotada Waa geedi caano leh Guryo samaha lagu furo Waa geedi caano leh Guryo samaha lagu furo Waa geedi caano leh Guryo samaha lagu furo Waa geedi caano leh Guryo samaha lagu furo
Queue is empty
-- / --