Dhoor guyaal baad
Guud dabnayde
Yaad gaboobine
Guurso baan lahaa

Guri sameesaan
Talo ku goostee
Sowtan gees kale
Iila guuray

Sida lay galay
Garowsan maayee
Geeri doortee maanta
Aan go'o

Hadaan gashaanti
Mowdku gaadin
Kolay gayaan bay
Geed u joogtaa

Yaad gaboobine
Guurso baan lahaa
Guri barwaaqoon
Ubad ku gaadhee

Soowtan geedkiyo
Gadhka lay sudhay
Geeri doortee
Maanta aan go'o

Godob sidaan galay
Oon qudh gooyey
Gooni yooboo
Is guhaadshee

Gacal waxan lahaa
Bayga gaaree garana
Maayo Xuma aan
Gaystee

Garba duubaa lay
Gudoon saday
Geeri doortee
Maanta aan go'o

Exit mobile version