VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Taliyo wax ma taraysa - Lyrics

Halkay toogadaydu kala taaliyo Waxaad ii tilmaantay aan ku tusee Tog iyo buuri ma isu tagayaane Nimaan taag lahayn hadaad tahayee Haday toogadaadu kala taalee Is tiilo haweenba ha u tagine Is tuurtayoo is tukhuntuukhisee Tiiqtiiqsi hadal haygu sii tuurine Talo iyo wax ma ii taraysaa Kumaan tuurin kumana tukhintuukhine Taladii waalidkay Ku tuman maayee Tagoo reerkii yarad isoo tiriye Reerkaad ii tilmaantay tagi maayee Ma tabcan geelaan yarad kusoo tabaye Talo iyo wax ma ii taraysaayee Hadaan tabayee lo aan ku tuse Qoontii waalidkay ka talo goosoo Is tuurtoo hadhaw xagan tagaye
Queue is empty
-- / --