Halkay toogadaydu kala taaliyo
Waxaad ii tilmaantay aan ku tusee

Tog iyo buuri ma isu tagayaane

Nimaan taag lahayn hadaad tahayee
Haday toogadaadu kala taalee
Is tiilo haweenba ha u tagine

Is tuurtayoo is tukhuntuukhisee
Tiiqtiiqsi hadal haygu sii tuurine
Talo iyo wax ma ii taraysaa

Kumaan tuurin kumana tukhintuukhine
Taladii waalidkay
Ku tuman maayee
Tagoo reerkii yarad isoo tiriye

Reerkaad ii tilmaantay tagi maayee
Ma tabcan geelaan yarad kusoo tabaye
Talo iyo wax ma ii taraysaayee

Hadaan tabayee lo aan ku tuse
Qoontii waalidkay ka talo goosoo
Is tuurtoo hadhaw xagan tagaye

Exit mobile version