Jacayl makugu dhacay
Yaraan ma u dareentay
Dhakhso intu ku hurjumay
Dhoolla caddeyn farxaded
Makusoo dhawaysaayoo

Ma dhiiri galisay naf
Dhiiggaaga ma uhurtoo
Dhuuxaagana ma ushubtay
Dhabannada ku dhaashoo madhahday weligaa

Dhaawaciisa adoo qaba
Dheemmanka adduunkiyo
Waqtigaaga oo dhan adoo ku dhameeyay
Dharbaaxo makugu dhaariyay

Jacayl maku dheelmiyay
Dharbaa makugu daayay
Intuu dhakafaar kubaday
Miyaad dharaar ilmaysay
Mala dhaygagtaayoo

Miyaad dhafartaa allaylkii
Dhambaal aad udirtaa
Ruuxaanan kuu dhawayn
Maka doortay weligaa

Dhaawaciisa adoo qaba
Dheemanka adduunkiyo
Waqtigaaga oo dhan adoo udhameeyay
Dharbaaxo makugu dhaariyay

Exit mobile version