Durbaan cirku waa daruur
Durbaan webiyada durdura
Durbaan duunyadiyo dadkuba
Durbaan daawaad u tahayee
Durbaan waligaa ha demin

Diriyam oo diriyam
Diriyam oo diriyam
Diriyam dooxada ka yeer
Diriyam dul ma qaawiyee
2x

Durbaan cirku waa daruur
Durbaan webiyada durdura
Durbaan duunyadiyo dadkuba
Durbaan daawaad u tahayee
Durbaan waligaa ha demin

Diriyam oo diriyam
Diriyam oo diriyam
Diriyam dooxada ka yeer
Diriyam dul ma qaawiyee
2x

Waan dhintaa waan dheelmadaa
Dhaayahaygaan kaa jeclahay
Waan dhaqaaqi hadaad i tidhi
Reer islaam baan soo duwaa
2x

Hay yaa aadoy huunoy yaa
Ala hobaalow hoobalowbaa
Hay yaa aadoy huunoy yaa
Ala hobaalow hoobalowbaa

Aabahaa taliye ma yahay
Hooyadaa tubacaan ma tahay
Taliyayaal ma kula dhasheen
Oo waxaan talo iyo la tago
2x
Hay yaa aadoy huunoy yaa
Ala hobaalow hoobalowbaa
Hay yaa aadoy huunoy yaa
Ala hobaalow hoobalowbaa

Exit mobile version