VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qoraxdoo aroortii - Lyrics

Qoraxdoo aroortii Qaar la soo baxdoo Aan caadku qarin baad Qummanoow, Qaabaddeeda leedee Nebi Yuusuf quruxdii Qaadirkeennu siiyaad Adna qeyb ka wadataayoo Qeyrkaa ku dhaaftee Haddaan qado anfaaciga Adaan kugu qaboobaa Marka aad qun u dhaqaaqdee Tillaabada aad qaaddee Deymada il-qabadka le I qooransataa bay Qososhaa naftayduye Wax aan kugu qiyaaso Ama kugu qaddariyo Qabri hoosee mooyee Qummanoow, Qarnigaba ma noolee Qadaf ku hadli maayee Ammaantaan kuu qiray Waad midaan u qalantoo Qaayo aad ka gaadhee Wax ilaahaay kuu qoray Lagaa qaadi maayee Marka aad qun u dhaqaaqdee Tillaabada aad qaaddee Daymada il-qabadka le I qoraansataa bay Qososhaa naftayduye
Queue is empty
-- / --