VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sirtaada waan helay - Lyrics

Horaan ugu daaloo Hawaawirka beentaa Naftaad u horseeday Haasawaha jiliddaaa Hunguri igama galshoo Adoon ii hiilanayn Humaag kaa dheeriyo Inaad hungowto Haddeer hakudaalin Hankaaga kaa jeedda Adoon heli doonin Kolley hiigsigiisa Waxaa ku habboon Inaar ka hartoo Hantaaqdo dhibtiisa Habaanba habaanba Hababaaanba Amase hamigaa igajeeso Igajeedi hooy hooy hankaaga iga jeedi Haddaad haaddaad Isu haysato Hormuudkii raggoo Horaan u ogaaday Sirtaad huwatiyo Inaad hufaneyne Intaad i hagrayso Horumar ani gaadho Hoos adigaa isgeeyo Horey uma giidhaa Weeeey Hankaaga kaa jeedda Adoon heli doonin Kolley hiigsigiisa Waxaa ku habboon Inaar ka hartoo Hantaaqdo dhibtiisa Habbaanba habbaanba hababaanba Amase hamigaa igajeeso Igajeedi hooy hooy hankaaga iga jeedi
Queue is empty
-- / --