VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xareeda laguma wacnaadoo - Lyrics

Xareeda laguma wacnaadoo Abaartana lama xumaadoo Aduun xumba maaha gudhayee Haduu kuu xeel Furnaadoo Xogtiisana ruux ku siiyoo Xussuusta lagama gooyee Xagaaga markaan u ciiray Inaad xaska iiga baydhaa Xeerkiisa jacaylba maahee Xan iyo ceebi yay ku raacin Aduun waa xeerba xeeroo Sidii weeye xabag cadaadoo Xilbay adhi jiri wadaagtaa Inagoo xidid iyo gunbuuroo Amase laamaha xubnaadoo Xumaan hay felin waxyeelee Xagaaga markaan u ciiray Inaad xaska iiga baydhaa Xeerkiisa jacaylba maahee Xan iyo ceebi yay ku raacin Qoraal heesta sii raaca Sidii faras xamar is xooday Amase geenyo xariir la taagay Xudu iyo shaal lagu hagoogay Haday xaragadu ku qaado Xidigaha xataa ayku geyso Wuxuun baa la xeeriyaayeey Xagaaga markan u ciiray Inaad xaska iiga baydhaa Xeerkiisa jacaylba maahee Xan iyo ceebi yay ku raacin
Queue is empty
-- / --