Heesta Holac haigu shidin - Lyrics
hodaneey hodaneey
hadii aan ku wacnaa
haween aan ku jeclaa
hadaan kaa jaray qalbiga
aniga ha hawaysanoo
marna hiil ha iga sugin
marwaan helay hoodalo
aniga hayin ii ahee
uqdad igu beertay
halbowlaha dhaawacde
aniga holac ha igu shidin
ha deerban ka nastee
hodaneey hodaneey
markaan heelanaa
hablaha aan ka jeclaa
adaa hiifay cishqiga
wanaagii hore ka gudub
anigu waan ka hadhoo
midban helay aan hantoo
aniga hayin ii ahee
uqdad igu beertay
halbowlaha dhaawacde
aniga holac ha igu shidin
ha deerban ka nastee