bilawgii jacayl is barashad a
barbaarta qof kaala soo baxay
ayaad boqol jeer u baantahayoo
beerkayga adaa bogayga dagay
adaa igu beeray boholyawga
bildhaan aragaa aan kuu bogay
badankiyo laabtana basaas tiray
ha baylihin balanta caashaqa
ha beenayn nafaad badhkeed tahay
barbaarina kalgacal aan bi,in

bu,da iyo niyaa dookhu buuxsamay
bishaaro markaad tidhi bilkhayr idhi
ayaad baxsanoow bogsiin u tahoo
baaqaygu waa baahida kalgacal
adaana igu baashay kuna baafshay
bartaad jirtana aan u beernaqay
beerkayga qalbiga badhtan dagay
ha baylihin balanta caashaqa
ha beenayn nafaad badhkeed tahay
barbaarina kalgacal aan bi,in

Exit mobile version