anoo daranyada jacayl
dartaa ugu soo samraayay
waliba daacadnimo dhankayga
daryel ugu hagar baxaayay
markuu xubigeenu dagay
rugtii aan ku doogsan lay
haduu damac kugu hogaanshay
mid kale doon doonisteeda
adaa diiday wada jirkeenii
dulqaad inaan kugula xaalo
dadnimo xumadaad samaysay
damiirka og baan i yeelayn

anoo diif iyo kalgacal
awgaa dibin daabyo qaba
maxaan duunkiyo qalbiga
rajada uga dhigay dabib
halkaa daalaa dhicii
naftani ka dawyn lahayd
hadaad dayacdoo mar kale
dayrada ku maal is tidhi
adaa diiday wada jirkeenii
dulqaad inaan kugula xaalo
dadnimo xumadaad samaysay
damiirka og baan i yeelayn

Exit mobile version