Sidii dayax soo baxaa
Dalkii wada nuurisoo
Naftayda deeqdayoo
Adaan dadba kaa xushee

Haduu dookho iigu kaa dhacay
Adaan dunta kugu xidhee
Docdaada ka giiji
Caashaqa daadihi macaan

Aan dagno dugsoonkii jigjiga
Sidii durdur aan go'ayn
Jacaylka durduuro oo
Sidii malabkii dhansii

Daruuruhu may hilnaan
Onkodka ay daynayaan
Ruuxuu dareen caashaq galay
Xishoodku miyuu dabraa

Hadalka kii uur ku dadan
Dabnaha kaa boobayoo
Adoon doonayninbay
Bay dibada kaaga soo ridaan

Exit mobile version