VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qaban qaabi - Lyrics

Qof kastiba nasiibkiisa Uga qoran carshiga guudka Kuma qabo ayaankiisa Horta cidi ma qaadayso Adoo qaba iimaan buuxa Qabanqaabi guushaada Hana qubin rajada fiican Qalbi daacadaan jabine Qormadana waxaan ku xidhay Ha ka qoomamoon wax tagay Qayb kaa maqan ILAAHBAA oge Noloshuna ku qanac weeyi Siduu QAADIR kuu doortay Nolol wacana quruxdeedu Quwadeedu samir weeyi Bisinkiyo quraankeena Ruux qabsaday ma liicaayo QANI waa ILAAHAYE U qaysho RAXMAANKAAGA Waa sad lagu qaboobaaye Ha ka quusan deeqdiisa
Queue is empty
-- / --