Judhaan Ku Arko
ku Eegaba
jaleecada Eegmadada
jiriracadu I Qaada
jaceyl Baad Igu Abuurtay

Jamaalka Iyo Jooga Wacan
nafteyda Jeedanayee
habeen Habeen
habeen Hurda Kaama Jiifee
jidiinkana Daa Warkiisa

Janooy Quruxeey Inabti
adoo Ii Jeedin Dhabarka
jawaab Waafiya Isii

Waxa Jeceshoo Jirka Xigo
marnaba Isha Sooma Jiide
hadeey Jamashado Ku Qaado
naftani Adi Kuuma Jeedee

Jirkeyga Arkootay
qalbiga Adi Kulama Jooge
midbaan Midbaan
midbaan Aniguba U Jeele
jadiin Iyo Jiib U Seegee

Jajuub Baad Igu Wadaaye
jaceyl Aan Aniga I Heyn
miyaan Kula Jili Karaa

Jaceylkan Xiisihiisa
jiro Iyo Cudur Buu I Badayo
jirkaba I Dubaaxinaayo
jar Baan U Qaba Naftaadee

jaahagu Haduu I Qaatay
jirada Xubiguna I Heeso
jar Baa Jar Baa
jar Baa Ka Lusha Go’aan Qado
jadiin Go’a Ha Igu Eeginee

Janooy Quruxeey Inabti
adoo Ii Jeedin Dhabarka
jawaab Waafiya Isii

Jaceylka Xiiso Mooday
jiro Iyo Cudur Aad Ku Sheegtay
anigu Kuuma Jixinjixaaye
jibadu Yey Kula Fogaanin

Hadaan Kula Jalaqsanaaday
jamaalkeyguna Ku Deeqay
qalbigu Qalbigu
qalbigu Wuu Ka Janjeera
jar Baan Ka Xigaa Naftaadee

Jajuub Baad Igu Wadaaye
jaceyl Aan Aniga I Heyn
miyaan Kula Jili Karaa

Exit mobile version