Ninkii heesa tiriyaba
Hobolkii dhaqaaqaba
Horta wuxuu amaanaa
Habku habkuu
Habku dumarku leeyahay

Raga haybad soomaali
Ma hal macalin tiraybaa
Ma geed lagu hartaayoo
Hadh qabow lahaynba

Horta lama amaanee
Sawka horyaalka maansada
Hawraarta kuma jiro

Sida sida sideedaba
Sida sida sideedaba
Sidee lagu hilmaamaa
Sawkan hoodo wacan loo
Dhibka naga horjoogoo
Na hogaanahoo
Na hogaanahoo

Markaad wato warankay
Hubka la isku qaato
Cadaow reerka weeraro
Hanad hanad
Hanad lagu xasuustaa

Markii aad u hooyateee
Hadhuudh buuxa la keenaan
Hareeraha ka qabataa
Hanad lagu xasuustaa

Markay hiilka joogtee
Habar waa casha gaadhaa
Hanad lagu
Hanad lagu xasuustaa

Sida sida sideedaba
Sida sida sideedaba
Sidee lagu hilmaamaa
Sawkan hoodo wacan loo
Dhibka naga horjoogoo
Na hogaanahoo
Na hogaanahoo

Exit mobile version