gudcur aan cadaba jirin
indhahaa cadceedoo
cidlo kaaga weheloo
cabsi kaa kaxeeyoo
bahal kaala cararee

labada caynaan
hadii caad ku xidhanyay
cudud iyo lacaad kale
ilayn laguma ciil baxo
caafimaad ma ciidmaan
culays kaama qaadaan

ruuxii curyaan ahi
carabkiyo ishaarada
kuma caafimaadee
hadaan ceebta igu taal
ama cudurka aan qabo

curuuqdiyo dhaayaha
cilmi lagu dawaynayn
cadka la iga jeexiyo
casiir la iiga marinayn

badhi la i cabsiiyiyo
cashar muxuu i tarayaa

cirkaan hoorimaadiyo
curashada daruuraha
calcashada xareedaha
isa soo cidhiidhiyiyo
dhulkan wada cagaarka

cosob gaadhi karayn
caleentiyo barwaaqada
dhalin lala caweeyiyo
heesiyo cayaaraha

hadaan calafba ii galin
miyuu ii cuntamayaa

Exit mobile version