imaad baran qumaanti ragaan
qiimo dheerayaaye
qorshahaan dejinayaa
qaaradaha hablaha kacay
igu wada qushuucaane
qisadii adkaatiyo
xaajadii qalooc galo
ha u qiilsameeyaye
loo qayshadaan ahaye

nin weyno wax kaa qarin
qumaatina iskaa baray
inaad qaadi shay tahay
quruxdiyo wanaagiyo
horta ma isku qalanaa

qosolkaagaan ka arkaa
inaad ii qushuucdaye
qalbigaagu see buu
jacaylka u qadariya

isku qabin loo qabin
isla qaalan baad tahaye
wax ma qariyo aniguye
nin qaabkiisu lumiyoo
qarda jeexaybaad tahaye

qabab u jeeda murtida
qiil u bixiyee
qiyaasli nin sheekada afka
quman hadlaa tahay

aan ku qalad saxe maqal
asalkaba isqaadqaad
ragu qiimo kuma lee
qabashaad u baahneyd

qalbigaagu dhalanteed
qar iyo buur ku saaryee
ninka qoysanaayow
aniga waxba ha isku kay qorin

Exit mobile version