VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gabadhaan jeclaayee - Lyrics

ana waan gurxamayaa sida aar gantaal qaba geed uu gala waayaa marba gees u rooraa nabsi ha iga gadanoo calaf geedi weeyee gabadhaan jeclaayeey miyaad ii gar gaarayn. gabaldhiciyo waa bari guriga aad ku nooshahay salaantayda geeyaa si aad ii gaclootee nabsi ha iga gadanoo calaf geedi weeyee gabadhaan jeclaayeey miyaad ii gar gaarayn. guudkaagan dhilanoo garbahaagu dhaafaye sida seenta geenyada marba gees u tuurtaa galin dhexe habeenkii riyo ugu guryamaye nabsi ha iga gadanoo calaf geedi weeyee gabadhaan jeclaayeey miyaad ii gar gaarayn. ruux gacaladaa qaba oo kuu gar sheegtoo laguma Diidee gogol baa la geeyaa waa la garwaaq soora nabsi ha iga gadanoo calaf geedi weeyee gabadhaan jeclaayeey miyaad ii gar gaarayn.
Queue is empty
-- / --