VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Walaalnimo - Lyrics

Todobaan ku faano Sababtana ma aqaano Ayagoo heli kara Nabad iyo caano Maxay ugu fikiraan aano Dadbaa dakana xasuusto Wadaniguna ma quusto Soomaali in la kala googoosto Inuu shayaha na haysto Dhib walboo naloo gaysto Siyaasada aad arkayso Laguuma ogola inaad codayso Qaladaadka hadaad cadayso Dhib uunbaa kugu dhacayso Afkaaga iska hayso Adigoo is lurayn walaal Laabtaada ku kaydso Soo shubo weyso Hadaad wax ka qaban waydo Ale bariyoo gurigaaga ku layrso Ha ka qixin dalkaaga Dhibkana ha u bixin Nimaan kugu dhiig ahayn Habeen qura ha u dhixin Cidna nagamay nixin Waxba nalamay sixin Markaad cagahaaga ku joogsato Waxba ha u jixin jixin Qabiil waxba namuu tarin Iska dhicin haday jirin Soomaali sidan maan rabin Ani waxba maan qarin Cidna iskumaan dirin Quruna aanan igu jirin Qoloqolo soo imaad barin Qeyb qeyb umaad rarin Qasaaradu wali ma harin Hadaan la isku keeni karin Waxaan wataa arin Anagoonba isku jirin Walaalnimada ha iga jarin Waad ogtahay inaan ku hurin Ileen hiil kalaan jirin Dhiigaaga ha sirin Xubin adiga kaa mida Waligaa ha xaqirin Xaduuda ha iga xiran walaal Isticmaal maskax Kaligaa gooni u bax Dhalinyar markaad tahay Dalkan adigaa ka ah ubax Odayaashaano dhan Qaarbaa ah dhagax Mid walba wuxuu rabaa madax Wadankeenay ka dhigeen marax Adigu hadaa tahay shax shax Ogow kuwa gaajo la ah kax Nina ma ahaado fax fax Mar uunbaad noqon qanax Xanuunkaa keena ax Hadhaw yaan la dhihin ka nax Yaan la dhihin hadhaw ka nax
Queue is empty
-- / --