Heesta Dookhu waa dab - Lyrics
midaan doortayeen
dadnimiyo xishood
igu deeqdayee
da,deed kala baxaay
dookhu waa
dab iyo naare
darmaantaan xushee
dookhiyo jacayl
daraadeed qabeen
ku il doogsadaay
dookhu waa dab iyo naar
daadihi cishqiga
deeqaay adaan
dunta kugu xidhee
dookhu waa dab iyo naare
dumarkaba dhamaan
taan ka doortayee
dabciyo xishood
igu deeqdayee
dookhu waa dab iyo naare
daymadaada wacan
waan ku diirsadoo
qalbigaad dagtoo
ku dahaadhantee
dookhu waa dab iyo naare
daadihi cishqiga
deeqaay adaan
dunta kugu xidhee
dookhu waa dab iyo naare