Aduunyadu qaribana
qarax iyo dhibaatiyo
qalaalasa badanaa

Qofka aan waraaqdiyo
qeylada u diraayaa
qalbigiisu adagaa

Qarni tagay jaceylkii
qeys iyo cilmi dilay
leylana qabri dhigey
anuu igu qadoodee

Tani waa qiso iyo yaab
qosolka iyo wiiradaa
miyaa aniga ley qoray

Qufac iyo jaceylkaba
lama qarin karaayoo
waa qoomamo iyo ciil
ileyn adiga kugu qodan

Ma qoomkii fircoonbaad
qamar ey ka nooshoo
qubqubtaaba kuma yaal

Qarni tagay jaceylkii
qeys iyo cilmi dilay
leylana qabri dhigey
anuu igu qadoodee

Exit mobile version