Wacaneey ayaamahan
Wakhtigii aan joogniyo
Waagii cadaadaba

Naftaa ila wadaagtoo
Welwel igu abuurtee

Anoo wada jirkeeniyo
Jecel weheshigeenaa
Waxyeeladan ku gaadhaa
Wadnahayga damaqdaa
La iika wareejee

Ma war xuwa tashiiliyo
Nacabaa ku weeraray
Waadigan is doorshee

Walbahaarka dunidiyo
Welwelkiyo dhibaatada
Weynaa abuuree

In kastoo wanaag jiro
Marna laguma waaree

Waan kuu eganaayoo
Aduun waa u sutee

Waaxadaydii midigeey
Caasahaqbaa i walfinayee
Iga raac iga raac
Ha iga raacin waayaha

Ma war xuwa tashiiliyo
Nacabaa ku weeraray
Waadigan is doorshee

Waadigan is doorshee
Waadigan is doorshee
Waadigan is doorshee

Exit mobile version