Aduunyadu wareer iyo
Walwal iyo dhibaatiyo
Alla waayo badanaayee

Warankii jacaylka
Igu waa bariistoo
Wadanaha ikala jaraaye

Wadka waad u sarimtaa
Waxii muuqda waa qabo
Walee waa tanoo kale ee

Warqadaha la qoray iyo
Wargaysyada aduunka
Weediiy mahaygii
Kama helin kawaaboo
Waxan kama waraysaninee

Waqti bay i lasara kacay
Hee – haa

Warisee adaan
kuu waalanayaa
Aaway weheshigeeni ?

Walbaharka caashaqa
Baa iga wareeshoo
Wadanaha ikala jarayee

Wadka waad u sarimtaa
Waxii muuqda waa qabo
Walee waa tanoo kale ee

Warqadaha la qoray iyo
Wargaysyada aduunka
Weediiy mahaygii
Kama helin kawaaboo
Waxan kama waraysaninee

Waqti bay i lasara kacay
Hee – haa

Exit mobile version