VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Isha yareey mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Shimaali Ahmed Shimaali
Isha yareey

Kalifoorniya aan ka tagey
Kanada markaan u socday
Kuluyeeri anoo kor fuulo
Kaligey meel fadhiya
Kaltuuma waxay i tiri:

“Aboowe, adi kumaad ahayd?”

Kanada markaan tagey
Kuluyeeriga aan ka degay
Kormeera waxaan ka arkay
Gabar kuusanoow madoow
Indhaha soo kuulatey

Hadii kale waxaan lahaa

Raggow afadaan dirsaday
Adduunkeygii u huray
Awlaadeyda hooyadood
Markii aan agteeda imid
Amuur gaaray la timid

Hadii kale waxaan lahaa

Albaabka markaan tumay
Ilmihii igu soo ordeen
Umaydiin meeday iri
Indhaha aan hore u dhigay
Ayaa gaal ii asbaxay

Hadii kale waxaan lahaa

Waxaan iri:

“Iisha Yareey, naa waa maxay eeygani?”

Waxay tiri:

“Hoy ogow inanku waa boyfriend
Ha eegine irida dhaaf”

Hadii kale waxaan lahaa

“Iisha Yareey
Isma oran…irida dhaaf
Iima taal iima hayside”

“Anoo kaa keeney meel
“Kuunya Baroow u dhow
Kunturwaarey agteeda
Kismaayo intaa la gaarin
Kanada markaan ku geeyey
Kibir baad biloowdey
Indhahaad soo kuulatey
Kabtaada aad moodid
Kooyo gaadaal saanta looga kabay
Surwaalkeeda kar karan
Kuleetiga kor u taagan
Sida Kuuleey Cali Banjar”

Animaa adiga kir kaa mudan
Iima taal iima hayside

Waxaan iri:

“Iisha yareey
Islaanimedeena iyo
Awlaadan wada dhalniyo
Sidii caadadii ahayd
Ma oodaa laa ganbiyey”

Hadii kale waxaan lahaa

Hadii aan oran lahaa
Maxkamadaan aadayaa
Ragu soo aayo ma leh
Ashuunkey ku adimaan
Haweenkaa ka amar weyn

Hadii kale waxaan lahaa

Waxay tiri:

“Irida dhaaf
Markii alle uu yiraa
Xukuumadi ay iftiinto
Ana dalkii aan imaado
Ayaad adna aarsan doontaa”

Hadii kale waxaan lahaa

War hoy ina raggow
War hoy ubadkiina dhawrta
War hoy gaalada u diida
Way hoy ooryaha xareysta
War hoy waa iga dar daaran

Hadii kale waxaan lahaa

Anaa eeday oo ka ooyey
Anaa ciil aqal la seexday
Anaa ubadkeey rajoobey
Ninkii ashahaadanaayoow
Dhibka gaalada ha aadin

Hadii kale waxaan lahaa

Iisha yareey
Isma oran…irida dhaaf
Iima taal iima hayside

beledkeena bur buray basali lahaydee
dadki shalbaheen baled gaalo degeen
barbaartii halawdey dhega bogsadeen
bilan isku dhaafeen badi barshow qabanee
buulow ani dhali kuuley haday is baradaane

boorsa qaadatey bug bug leey la saare
bye bye ay yeertey kud idhi bacaw yahay
bisinka qabsadey

iisha yareey isma oran … irida dhaaf
iima taal iima hayside”

codkii Shimaali Ahmed Shimaali