dhib haduu ku gaadhoo
dhaawacaaga muuqdoo
wixii aad dhaydaabaa
mar uun bay ku dhaafaan
hadii dhibicd roobaad
dhafan dhaaf u qubatoo
dhulka meesha godan bay
biyuhu u dhamaadaan
ana dhawr sanoo idil
ayaan kaa dhursugayoo
axdigii dhexdeenana
ka dhaqaaqi waayee
ha igu dhaafin hawshee
hadmaan reer dhisaynaa

hadii dhaqan wanagiyo
ragu sharaf is dheer yahay
allaa kuu dhameeyoo
waxaa tahay laftii dhabar
hadii dhiiga noolaha
laga dhawro oogada
itaalkiyo dhagahuba
u dhantaalan aragtida
ana dhawr sanoo idil
ayaan kaa dhursugayoo
axdigii dhexdeenana
ka dhaqaaqi waayee
ha igu dhaafin hawshee
hadmaan reer dhisaynaa

Exit mobile version