Manaxaan jacayl baa
isoo maagay anigoon
Maankaba ku hayn

Meelaan filayniyo
Mugdoo iga soo baxay
Inaan macsuumo
Marti sooroo iga rabaa

Mar horaan afeeftee
Markaadana adkeesoo
ha igu soo maaxan
Kaa maarmay aniguye
Magcaaga baa dhigay
Muuqayna kala qari

Mudaan kala maqneeno
Muuqaaga waysnaa
Muqdisho aan kaa dayay

Utalaabay mahadaay
Cadaadana sii maray
Marag iyo masagaba
Makaa waayay ceel dheer

Mar horaan afeeftee
Markaadana adkeesoo
ha igu soo maaxan
Kaa maarmay aniguye
Magcaaga baa dhigay
Muuqayna kala qari

Exit mobile version