gudoonkii jacaylkoow
guga oo hilaacaw
inta dooga guga baxay

laamuhu gorshaysteen
sida loogu guuxaa
kuu gooniyoobee

bal garo jabuutiyo
goonya hargaysiyo
bari garabkeedaa
adoon muqdisho garab marin
kalgacaylka ila garo macaanow ila garo

gudoonkii jacaylkoow
galab iyo habeenbaan
garab kaa sugaayee

gartay inaad i jeceshay
waxan ua gol leeyahay
gacalkay ayaan ahay

Exit mobile version