sug way horaysaa
socona way danbaysaa
hadal badan sidiisaba
ma siyaadsho garashee
wixii sabanka la ii qoray
marna seegi maayee

saygii rumaadoow
raga aan ka soocdoow
saxansaxada roobkiyo
sida ubaxa oo kale
ayaad ani i saaqdoo
abid waan ku sugayaa

sahan waa la dhawraa
samirna loo dulqaataa

sadaashaan filaayiyo
maad noqon sidaan rabay
ku saluugi maayee
nafta ma isa siinaa

Exit mobile version