VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dahab rasaysan - Lyrics

daranta anigoo rafaadsan rubac jilaalka ooman rumaysan jacaylka raacsan ayaa helay ruux hagaagsan run badan aan been jeclaysan asturan RABIGEED yaqiinsan raaliyo tukatoo xijaaban midaan kibir reerka guuxin rasmaan helay ii hanuunsan midaan rifin diirka siibin xishood reerkooda dhaafin midaan rah sidiisa qaylin waxan helay dahab rasaysan anoo run ahaan jibaysan rugtii caashaqa u helaan riyoodoo habeena seexan ayaan helay raas nimcaysan raaxaan dhex muquurtay goorsan ris dooglaan daygay ugbaadsan intaan rucub goostay kuusan ayaan ramad maalay duursan
Queue is empty
-- / --