Heesta Xeer miyaa - Lyrics
Inanyahoow dartaad xalay
Anigoo xanuun qabin
Had ba had isku rogayoo
Ku xamaartay gogagshee
Jaceylkuna xisaabiyo
Xubin lagu qayaasiyo
Ma yaqaano xishoodkee
Anoo igu xad dhaafee
Aaah Xibnahaa beerka
Xidadada dhamaan
Halbowlaha kuyaaliyo
Wadnahaa i xanuunee
Xaq miyaa xeer miyaa
Ma xanaano Guud baa
Ma xawaal ku tuurbaa
Anoo xiiiso kuu qabo
Waa adigan ixooree
Inanyahay Jin xooglaa
Ku hebraday xareedooo
Dusha kugu xambaartoo
Kaa qaaday xayaat ee
Markii aan habalaha xulay
Anoo kugu xumayninee
Xaafada aad ku nooshahay
Ma xasuusta adiguyeee
HAAA Xaga aad ujeedaa
Malaha waa xidagahee
Ninka xoolaha kaa dhacay
Ka dacweey xafiisyada
Xaq miyaa xeer miyaa
Ma xishood la'aaan baaa
Ma islaan ka xoog baa
Anoo xiiso kuu qabin
Igu xeratay faraqee
Inanyahoow xogtaa helay
Inaad xaasid maqashoo
Kaa xadaa aqoontoo
Adna igu xumeesee
Aniguna runtii xalay
Xiligaan hurdada galay
Xarago uma seexanoo
Aday ijoogtay laabtee
Aaah Xibnahaa beerka
Xidadada dhamaan
Halbowlaha kuyaaliyo
Wadnahaa i xanuunee
Xaq miyaa xeer miyaa
Ma xanaano Guud baa
Ma xawaal ku tuurbaa
Anoo xiiiso kuu qabo
Waa adigan ixooree
Inanyahay daruur xii
Iyo xiin aroor yaal
sida roob xagaaya
Waa adiga is xameeyee
Xeeshtii habeenkee
Xaawo ugu horeesee
Ragga lagu xadaayee
Xilka dooni maayee
HAAA Xaga aad ujeedaa
Malaha waa xidagahee
Ninka xoolaha kaa dhacay
Ka dacweey xafiisyada
Xaq miyaa xeer miyaa
Ma xishood la'aaan baaa
Ma islaan ka xoog baa
Anoo xiiso kuu qabin
Igu xeratay faraqee