Heesta Qadro - Lyrics
qadraay adhaxdiyo
oofaha jidhkaygiyo
halbowlaha dhiigiyo
kuu caashe oogada
agagaarka beerkiyo
soo uruuri qalbigaad
inanyahay ku taala
allow yaa aroos iyo
aqal kula wadaaga
xero dheer oo wacan
ardaa kaaga taago
ubadna u dhashaa
ooridiisa noqotaa
adiga oo ogaal qaba
ama raaxa qaada
aqbalna ka sugayaa
iyo odhaah la dheefsado e
aqligaaga oo dagan
aayo dhan ka taliyo
ido unug galbeedada
allow yaa aroos iyo
aqal kula wadaaga
xero dheer oo wacan
ardaa kaaga taago
ubadna u dhashaa
ooridiisa noqotaa