Heesta Samir - Lyrics
Suleekhaay hanaankiyo
suradeeda inantay
laabtay saaqdaay.
Sanbabda dhexdoodiyo
Adaa sunta caashaqa
sanbabada ku saydho
sadrigaad ku taala
Sawjadaa jeclaayey
waxaad tahay saboolnimo
midii iigu samirtoo.
Kusaluugi maaye adiguna sidoo kale
Ku sugnow dhankaygoo adiguna sidoo kale
Ku sugnow dhankaygoo samahaaga sii badi
Subantii haweenkaay
saqda dhexe habeenkiii
mida aan ku salaalay.
Sirtii horumarkaygiyo
midii saama qaadkiyo
inaan gaadho meelsare
sababta u ahaydeey
Sawjadaa jeclaayey
waxaad tahay saboolnimo
midii iigu samirtee.
Kusaluugi maaye adiguna sidoo kale
Ku sugnow dhankaygoo samahaaga sii badi
lyrics by Phuad Abdy Esmail