VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Allaa Faxanee - Lyrics

Allaa faxanee ruuxii qurux uu ku faaniyo filsan loo abuuroo lagu fara-yareystoow Ha la yaabin foolxumo fajac yeeysan kugu noqon farsamada ilaaheey filka laguma caayee! Allaa faxanee ruuxii figta dheer la gee'iyo ishii loo fatahayee ceyr laga fogeeyo Ruux farakhu maranyahey ha u faanin waligaa ileen farajka Eebaa markuu doono furayee Allaa faxanee ruxii fursad weyn la siyo intuu fuulay meel sare amarkiiso fulayo ha fudeedeysan aadmigu ha ku beerin fuleynimo waxa fali Ilaahba ileen fiirsanaaye.
Queue is empty
-- / --