Heesta Bukaan Jacayl - Lyrics
Alahayoow bukaan jacaylku
Beer laxawsigiisu badanaa
Baahi aan baxaynin iyo
Riyadiisu been badanaa
2×
Anigu i baaba,shoo
Igu sii balaartay baryahan
Anigu i baaba,shoo
Igu sii balaartay baryahan
Bar wadnaha ku taalbaa
I babanaysa awgaa
Boqoradii haweenkaay
2×
Bidhaan qurux wanaageey
Baxnaanshihii nafteydaay
Bishil weeye caashaqu
Aan laga bogsoon karinee
2×
Anigu i baaba,shoo
Igu sii balaartay baryahan
Anigu i baaba,shoo
Igu sii balaartay baryahan
Bar wadnaha ku taalbaa
I babanaysa awgaa
Boqoradii haweenkaay
3×