Heesta Gedaa nolasha - Lyrics
gedaa nolosha aadmiga
guushiyo barwaaqada
guurkaa hogaanshee
wiil goboo garaad wacan
gacantiisu furantay
ood gacal wadaagtaan
hadii calafka kuu galay
guul wacan gudoontee deeqa
guurkiina guur khayr
gurigiina guri nagi
GUULOW ka yeel
gabadhaan gu' waynayn
asluub lagu gardaadshay
gaariyoo waxqabasho leh
hadii calafku kuu galay
raaliyo gudoontee deeqoow