haa iilan hooyooy ha eedaadin hana aafoobin
adhaxdiyo oofahaygaay aqoontiyo aragtidaydaay
ta lagu aaminay naftaydaay ha aafoobin
hoygii aduunkaay nolosha aayaheedaay
hido lagu arooraay aayadaha quraankiyo
aamiinta ducadiyo eebaan kuu baryaayaa
ayaan waliba tilmaan lehe ee marna anigoon
illaawayn uurka ku qaadistaadii oogada
ku xambaaristaadii abaabistiyo ibahaagi macaana
umushaada kol ay tahay eedaarkii ku soo maray
waan ku ogsoonohoo kaama abaal dhacaayee

Exit mobile version