Adimada dhaqaaqiyo
Dhuuxiyo lafaha sow
Jacayl iguma dheeraan
2x

Dhibtaan aawadaa qabo
Sow dhaawac halisoo
Dhanka bidi ku yaaloo
Igu dhiigay maaha
Dhanka bidi ku yaaloo
Igu dhiigay maaha
2x

Alla dheeridaayee
Dhulkan maad ku nooleyd
Alla dheeridaayee
Dhulkan maad ku nooleyd
Ma dhadhaabo culusbaa
Ina kala dhex yaaloo
Soo dhaafi laadahayee
Soo dhaafi laadahay
2x

Waxa dhiiga iga shubay
Dhalan rogay naftaydii
Daaro waan la dhaadhacay
2x

Maqalkiyo dhagaysiga
Adoon dhabarka u dhigan
Ninbaa tahaye dhuuxoo
Dhambaalada hore u qabo
Ninbaa tahaye dhuuxoo
Dhambaalada hore u qabo
2x

Alla dheeridaayee
Dhulkan maad ku nooleyd
Alla dheeridaayee
Dhulkan maad ku nooleyd
Ma dhadhaabo culusbaa
Ina kala dhex yaaloo
Soo dhaafi laadahayee
Soo dhaafi laadahay
2x

Exit mobile version