Heesta Waan kugu duceysta - Lyrics
Hadii ay daruuruhu
Rajo di,i lahaayeen
Ama dookha lagu helo
Dadka taad u jeceshahay
Adi kaama daaleen
Oo kaama daaleen
2x
In dareen bogaygiyo
Beerkayga uu dego
Waa deeq ilaahee
Ana daacadkaygoow
Qalbigaygu kuu diran
Ana ana daacadkaygoow
Qalbigaygu kuu diran
2x
Inuu damacu kuu galo
Ruux darajadaada leh
Waa deeq ilaahiyee
Ana daali maayee
Waan kugu ducaystaa
Ana ana daali maayee
Waan kugu ducaystaa
3x
Hadii dunida oo idil
Dumar xulashadoodaa
Ama dookha lagu helo
Dadka taad u jeceshahay
Adi kaama daaleen
Oo kaama daaleen
2x
Ana deeqsigaygoow
Dadka kulama simo
Dabcigaad ku tahay hodan
Dulqaadkaagu waa hibo
Dunidana adaa u mudan
Dulqaadkaagu waa hibo
Dunidana adaa u mudan
2x
Inuu damacu kuu galo
Ruux darajadaada leh
Waa deeq ilaahiyee
Ana daali maayee
Waan kugu ducaystaa
Ana ana daali maayee
Waan kugu ducaystaa
3x