jirada caashaqa daree
xabiibi dabii qalbiga
diktoor unoqo isii
xisayga kiniin dajira

waxaad tahay duunyadayda
adaa dahab ii ah dheeman
adaa dayax iyo ilaysa
shamaca iidara koonka

daryeelkakoo dhan kusiiyaa
adaan kuu dooray maanka
qalbiga dagay oo lahaaday
nolosha waad ideeqday

waxaad ibataa duruusoo
dareemo jacla cajiiba
daganaan jawi aad abuurtay
ma dankaro xiisihiisa

Exit mobile version