ma la i halayoo ma la i halayee
hoobeeyooy
hurdaba kama lado habeenkiiye
hoobeeyooy
haweeniyo caashaqbaa i helayoo
hoobeeyooy
hawaawi miyaan ku heesaayee
hoobeeyooy
ma ogtahay arlada
yartaan eegan jiray
ee ii ahayd ilwaad quruxsan
inaan iloobi karin
ilayn waa adoo
uurkiyo wadnahaad
ku abuurantee
kuu ololayoo
ubaxeey adigu
waxaad tahay iftiin
udgoonkii qalbiga
ku aroorayoo
aad uga fogoo
la'aantaa abaar
arligu waa madow
adigaa iyo anigaa
aan is weheshano